13 qof oo loo xiray ka ganacsiga shamiitada been abuurka ah

0
196

Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay 13 ruux oo looga shakisan yahay ka ganacsiga shamiitada been abuurka ah.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay 8 gaari oo ah kuwa xamuulka qaada kuwaas oo siday jawaanno ay ka buuxeen shamiitooyin aan gaarsiisneen heerarkii tayada ee laga rabay.
Waxaa howlgalkan iska kaashaday waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) iyo dhigeeda dambi baarista.
Howlgalka ayaa lagu beegsanayay meelaha shamiitooyinka been abuurka lagu iibiyo ee magaalooyinka Athi River, Syokimau iyo Kitengela.
Magaalooyinkan ayaa la sheegay in falalkan sharci darrada ah ay ku bateen.
Qaar ka mid ah milkiilayaasha baabuurta xamuulka ah ee siday shamiitada tayadoodu liidato ayaa baxsaday intii uu howlgalka socday, iyaga oo ka tagay gaadiidkii ay wateen.
Baabuurta xamuulka ah ayaa loo kaxeeyay xarunta waaxda KEBS si baaritaano lagu sameeyo.