Guddiga adeegga dadweynaha oo digniin ka soo saaray shaqaaleysiin been abuur ah

0
94

Guddiga adeegga dadweynaha ee (PSC) ayaa sheegay inuu jiro shakhsi iska dhigaya inuu guddigan ka tirsan yahay oo dadweynaha u ballan qaadaya inuu siinaya fursad la xiriirta tababar shaqo.
Bayaanka PSC waxaa ku cad in eedeysanaha lagu magacaabo Joseph Tabut.
Guddigan ayaa sheegay in qofkan uu si gaar ah u bartilmaameedsado dadka aan ka shakin ee soo codsaday barnaamijka tababarka shaqo ee PSC ee (PSIP).
Waxaa uu guddigu cadeeyay in Joseph uu dadka kala xiriiro nambarka ah 0725 918218.
PSC ayaa kenyaanka ku wargelisay in eedeysanaha uunan ka mid ahayn howlwadeennadeeda.
Waxay intaasi ku dartay in geeddisocodka shaqaaleysiinta mise tababarrada shaqo uu yahay mid daahfuran oo ka madax bannaan laaluush, qof jecleysi iyo dhaqammada sharci darrada ah.