DHAGEYSO:Ururrada xuquuqul aadanaha oo dowladda ugu baaqay in ay xalliso dilalka haweenka

0
232

Ururrada u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa dowladda ku boorriyay in ay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula tacaalaya dilalka loo gaysta haweenka iyo gabdhaha.
Tani ayaa timid ka dib markii dhacdooyinka noocani ah ay dhawaan ku soo bateen gudaha Kenya.
Waxay doonayaan in la soo saaro xeerar adag oo falalkan wax looga qaban karo.
Sidoo kale, laamaha ammaanka ayay ugu baaqeen in ay dardargeliyaan baaritaannada la xiriira dilalkii dhacay si loola xisaabtamo shakhsiyaadkii ku lugta lahaa.