Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa shaaca ka qaadday in amni darrada saameysay ismaamullada Baringo , West Pokot iyo Turkana awgeed, la xiray 13 dugsiyo ah.
Waxay wasaaraddu bayaan ku sheegtay in ardaydii dugsiyadan dhiganayay loo wareejiyay xarumo kale oo waxbarasho.
Waxaa falalkan loo aaneeya burcadda gaysata dhaca xoolaha.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa intaasi ku dartay in dowladdu ay lacag dhan 100 milyan oo shilin u qoondeysay dib u dhiska 34 ka mid ah 39 xarumood oo horay loo xiray.
Ciidamada difaaca waddanka ee KDF-ta ayaa door wayn ka qaatay dib u dhiska dugsiyadan iyadoo ilaa iyo hadda dib loo furay 26 xarumood.
Wasaaradda waxay bayaankeeda ku sheegtay in hadda la dhameystiray howlaha dhismaha ee ka socday 21 dugsi.
Saameynta ugu badan ee falalka burcadnimo ayaa laga soo tabiyay ismaamulka Baringo.
Sidoo kale , waxay wasaaraddu sheegtay in aynan jirin dugsiyo ku yaalla ismaamulka Elgeyo Marakwet oo dhacdooyinkan awgood loo xiray waxaana hadda si buuxda u shaqeynaya dhammaan dugsiyadii horay albaabada loogu laabay ee dowlad deegaannada Laikipia iyo Samburu .
Ka dib markii amniga la adkeeyay, waxaa dugsiyada dib ugu laabtay qiyaastii 4,000 oo carruur ah.