Maxkamadda oo kordhisay muddada uu sii shaqeynaya go’aan ka dhan ah xil ka qaadistii barasaabka Meru

0
152

Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa waajibaadkeeda shaqo sii gudan doonto ka dib markii maxkamadda sare ee waddanka ay muddo 120 cishe ah ku kordhisay adeegsiga amar ay horay u soo saartay.
Amarkan oo ay ku nafistay Mwangaza ayaa ka dhan ahaa xil ka qaadisteedi.
Garsoore Bahati Mwamuye ayaa hoosta ka xarriiqay in barasaabka Meru aynan xafiiska banneynayn ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad racfaan ah oo ay maxkamadda u gudbisay.
Xaakinka ayaa dhanka kale amray in dacwaddan mar kale la soo qaado berri oo Jimco ah.