Dowladda oo sheegtay in aynan ku lug lahayn guriyaha lagu dumiyay Kayole

0
117

Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa sheegay in dowladdu aynan wax kaalin ah ku lahayn guriyaha lagu dumiyay Nyama villa oo ka tirsan xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi.
Mwaura ayaa bayaan ku xusay in uu jiray amar maxkamadeed oo arrintan lagu hor istaagay sidaasi awgeedna aynan dowladdu ku kacayn fal liddi ku ah go’aanka maxkamadda.
Waxaa uu tilmaamay in ay ka xun yihiin dhibaatada soo gaartay shacabka halkaasi ku nool ee guriyaha laga dumiyay balse uu caddeynaya in maamulka talada waddanka haya uunan tallaabadaasi ku lug lahayn.
In ka badan 90 guriyo ah ayaa dhawaan lagu burburiyay Nyama Villa waxaana halkaasi hooy la’aan ku noqday tobonaan qoysas ah.