Muwaadin u dhashay Maraykanka oo la soo taagay maxkamadda Milimani

0
123

Waxaa maxkamadda Milimani ee ismaamulka Nairobi ka soo hormuuqday muwaadin u dhashay Maraykanka oo lagu magacaabo Antonucci Sergio Patrick.
Waxaa uu ku eedeysan yahay ku lug lahaanshaha ka ganacsiga dahabka faaliska ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in tuhmanaha lala xiriirinaya fadeexad lagu lunsaday in ka badan 1.35 milyan oo doollar.
Waxaa Sergio la xiray ka dib markii uu waddanka yimid isagoo ka soo safray magaalada Dubai ee dalka isu tagga imaaraatka carabta ee UAE-da.
Sergio ayaa iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay waxayna maxkamaddu ku siidaysay damaanad ah 10 milyan oo shilin.
Dacwadda uu wajahaya ayay maxkamaddu mar kale soo qaadi doontaa 23-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.