Aqalka sare ee Filibiin oo ansixiyay heshiis dowladda dalkaasi kala dhexeeya Japan

0
85

Aqalka sare ee waddanka Filibiin ayaa meel mariyay heshiis dhanka difaaca ah oo ay dowladda dalkaasi la gashay Japan.
Is-afgaradkan ayaa qeexaya in ciidamada militari ay labada waddan ka howlgeli karaan iyadoo ay sii xoogeysanaysa xiisadda gobolka.
Senate-ka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in heshiiskan uu sare u qaadi doono wada shaqeynta militariga ee labada dal.
Waxaa bayaanka ku xusan in tani ay xaqiijinaysa iskaashiga istaraatiijiga ah ee Filibiin iyo Japan ee dhanka nabadgalyada caalamka.
Safiirka Japan ku matalo dalka Filibiin ,Kazuya Endo ayaa ku sugnaa madashii lagu ansixinayay heshiiska difaaca wuxuuna xusay in tallaabadan ay dardargelin doonto dhaqangelinta howlaha ay ka wada shaqeeyaan labada dowladood gaar ahaan dhanka ammaanka iyo gaashaandhigga.