Booliiska Kisii oo raadinaya afar eedeysanayaal oo xabsi ka baxsadeen

0
274

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisii ayaa raadinaya afar eedeysanayaal oo ka baxsadeen saldhig booliis oo ku yaalla dowlad deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha ay dhibaataayeen askari ilaala ka ahaa saldhigga ay ka baxsadeen.
Eedeysanayaasha ayaa jabiyeen qolkii ay kaga jireen xabsigaasi ka hor inta aysan baxsan.
Booliiska ayaa cid kasta oo xog ka haysa shakhsiyaadkan baxsadka ah ugu baaqday inay ku wargeliyaan saldhigga booliiska ee ugu dhow.
Afarta maxaabiis ayaa loo haystay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin weerar iyo ganacsiga daroogada Xashiishka.
Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) ayaa sheegay in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay billowday baaritaano gacanta lagu soo dhigayo eedeysanayaasha xabsiga ka baxsadeen.