Dowladda Niger oo sheegtay in 39 qof lagu dilay meel u dhow Burkina Faso

0
155

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Niger ayaa sheegtay in weerarro labo ah oo maalmihii ugu dambeeyay laga gaystay dhanka Galbeed gaar ahaan meel u dhow xadka waddanka Burkina Faso lagu dilay 39 ruux.
Dhacdooyinkan oo ay wasaaraddu ku tilmaantay kuwo naxdin leh ayaa lagu bartilmaameedsaday bulshooyinka Libiri iyo Kokorou waxaana lagu kala dilay 21 qof iyo 18 ruux oo ay carruur ka mid yihiin.
In kastoo aynan wasaaraddu faahfaahin qaabkii ay weerarrada u dhaceen , haddana waxay xustay in ay si badowtinnimo ah u fuliyeen dambiilayaal culeyso kala kulmay howlgallada saraakiisha ammaanka .