Waxaa la xaqiijiyay in labo ruux ay ku geeriyoodeen shil xalay ka dhacay aagga Kipisarwet ee waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Bomet iyo Narok.
Taliyaha ciidamada taraafikada ee Bomet, Amos Namasaka ayaa sheegay in shilka uu u dhexeeyay bas iyo mooto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in bas ay leedahay shirkadda Kisii Classic ay isku dhaceen mooto dhanka kale ee waddada ka soo socotay.
Waxaa isla goobta ku nafwaayay wadihii dhugdhugleyda iyo rakaabkii uu siday oo meydadkooda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Longisa ee dowlad deegaanka Bomet.
Taliye Namasaka ayaa xusay in aan durbaba la ogaan sababtii keentay in shilkaasi uu dhaco.
Dhanka kale, waxaa warbaahinta dareenkooda la wadaagay qaar ka mid ah rakaabkii ka badbaaday shilkii abaare 6-dii maqribnimo ee shalay ka dhacay aagga buundada Olonin ee waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Narok iyo Bomet kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof.