KMPDU oo booliiska ku wargelisay in maalinka Isniinta ay dibadbax nabdoon sameyn doonaan

0
247

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja ku wargeliyeen in maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe ay dibadbax nabadeed sameyn doonaan.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU, Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in booliiska ay ku wargeliyeen in mudaaharaadkooda uu bilaaban doono 8-da subaxnimo ee maalinka Isniinta ee 16-ka bishan.
Waxay ka codsadeen booliiska inay ammaankooda xaqiijiyaan muddada ay mudaaharaadayaan.
KMPDU ayaa xustay inay u hoggaansami doonta dhammaan xeerarka iyo hab raacyada booliiska muddada dibadbaxa ay sameynayaan.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in bannaanbaxa ay sameyn doonaan uu ujeedkiisu yahay in lagu qasbo dowladda fulinta heshiisyadii gorgortanka ku saleysnaa ee CBA.
Waxyaabaha ay dalbanayaan dhakhaatiirta waxaa ka mid ah dallacsiin iyo wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan.