Madaxaweynaha dalka oo ballan qaaday in uu casriyeynayo awoodda ciidamada militariga ee ilaaliya badaha ee Kenya Navy

0
200

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu casriyeyn doona awoodda ciidamada militariga ee ilaaliya badaha ee Kenya Navy.
Waxaa uu xusay in awoodda ciidamada badaha ee dalka oo la casriyeeyo ay kor u qaadeysa amniga qaranka.
Xilli uu maanta ka qayb galay munaasabadda dabbaaldegga sanadguuradii 60-aad ee tan iyo markii la aas-aasay ciidamada badaha ee dalka, ayuu ka warbixiyay qorshayaasha maamulkiisa ee lagu tayeynayo ciidamada badda.
Waxaa uu sheegay in qorshaha lagu horumarinayo ciidamada militeriga ee badda loo mari doona tignoolajidda casriga ah.
Munasaabadda sanadguuradii 60-aad ee Kenya Navy ayaa maanta lagu qabtay saldhigga ciidamada badaha dalka ee Mtongwe ee ismaamulka Mombasa.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in uu qalabeeyo islamarkaana casriyeeyo ciidamada dalka qaybahooda kala duwan.
Waxaa uu xusay in horumarka waddanka uu ku salaysan yahay nabadda, amniga iyo xasilloonida.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa bogaadiyay xirfadaha ku dayashada mudan ee ciidanka badaha dalka ee Kenya Navy, dadaalkooda iyo geesinimadooda lixdankii sano ee ay jireen.
Madaxweyne Ruto ayaa qiray kaalinta ciidamada badda ee dalka, gaar ahaan howlgallada nabadeed ee heer qaran iyo mid caalami.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay doorka ciidanka Kenya Navy ee howlgallada ka dhanka ah burcad badeedda, gargaarka bini’aadantinimo ee xilliyada musiibooyinka iyo howlgallada badbaadinta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay ciidamada badda u leeyihiin in ay taageeraan wax soo saarka badaha iyo dhaqaalaha buluugga.
William Ruto ayaa bogaadiyay wada shaqeynta ka dhexeysa ciidamada badda ee Kenya iyo ciidanka ilaaliya xeebaha ee dalka.
Wada shaqeyntooda ayuu tilmaamay mid laf dhabar u ah istaraatiijiyadda difaaca badda ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in wadashaqayntooda ay ka qayb qaadato la dagaallanka falalka sharci darrada ah, ilaalinta kheyraadka badda iyo sugidda marin badeedka ganacsiga iyo isgaarsiinta.
Madaxweynaha ayaa ammaanay taliyayaashii hore ee ciidamada badaha dalka, oo ay ku jiraan Janeraal Joseph Kibwana iyo Samson Mwathethe iyo sidoo kale saraakiishii hore ee naftooda u huray nabadda iyo xasilloonida qaranka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo saraakiisha ciidamada badda ee haatan shaqeynaya iyo kuwa howlgabka noqday.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha Kenya Navy kula dardaarmay in ay ilaaliyaan heerarka ugu sarreeya ee xirfadda iyo hufnaanta.