Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa ku gacan seyray baaq loo diray oo ahaa inuu shaqooyinkoodii dib ugu celiyo dhallinyaro horay uga howlgalayay dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay in taasi aynan macquul ahayn isagoo tilmaamay inuunan sameyn karin shaqaaleysiin dheeraad ah.
Nathiif Jaamac ayaa sheegay in boqolkiiba 52 ee miisaaniyadda ay dowladda dhexe siiso ismaamulka Garissa lagu bixiyo mushaaraad.
Waxaa uu dhallinyarada ku boorriyay in ay bartaan culuunta farsamada gacanta oo ay ku shaqeystaan.
Barasaabka Garissa ayaa tusaale u soo qaatay in sida uu hadalka u dhigay ay maalin kasta Garissa ka shaqeystaan ilaa 5,000 oo qof oo ka soo jeedo ismaamullada dariska la ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in kastoo ay Garissa ka jiraan machadyo lagu barto farsamada in haddana ay aad u hooseysa tirada ardayda iska diiwaangeliyay xarumahan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in amni darrada aan loo aaneyn karin shaqo la’aanta haysata dhallinyarada.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha Garissa oo sheegay in aan la sameyn karin shaqaaleysiin dheeraad ah