Dowladda dhexe ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu dardargelinayo codsiyada ku aadan kenyaankii horraan ugu tanaasulay dhalashada waddanka ka hor xilligii la soo bandhigay dastuurka dalka u degsan ee sanadkii 2010-kii, inay markale heli karaan dhalashada muwaadinimo.
Shakhsiyaadkan ayaa ah kuwa haatan haysta dhalasho waddan shisheeye, islamarkaana ay markale soo ceshan karaan dhalashadii ay ka tanaasuleen.
Xoghayaha waaxda adeegyada jinsiyadeed ee dalka Julius Bitok ayaa sheegay in go’aanka uu soo jiidan doono maalgashi qurbajoogta ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in si degdeg ah xal loogu helo dib u dhacyada dhalashada iyo codsiyada deganaanshaha rasmiga ah.
Sida uu u dhigaya dastuurka waddanka lagu maamullo iyo sharciga jinsiyadda iyo socdaalka Kenya ee la ansixiyay 2011-kii, muwaadiniinta Kenyaanka ah ee qaatay jinsiyadaha dalalka kale waxaa looga baahan yahay inay ku soo bandhigaan qaadashada dhalashada waddanka shiisheeye muddo 3 bilood gudaheed.