Puntland oo gacanta ku dhigtay hub fara badan

0
536

Ciidamada Ammaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub aad u farabadan oo si qarsoodi ah doon looga soo dejiyay Xeebaha Gobolka Saaag, kaasoo laga keenay wadanka ay dagaalada Sokeeye ka socdaan ee Yemen.
Hubkaan ayaa ilo dhinaca ammaanka ah waxaay sheegeen in laga soo dejiyay Xeebaha degaanka Ceelaayo, isla markaana ay ka cabsi qabeen in loo waday dad kasoo hor jeeda amniga iyo horumarka kajira degaannada Puntland sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale laamaha Amniga Maamulka Puntland waxaay Xaqiijiyeen inay baaritan ku hayaan cidda sida rasmiga ah loogu waday hubka oo noocyo kala duwan leh si loo xaqiijiyo amniga guud ee degaannada Maamulkaas oo mararka qaar ay ka dhacaabn falal amni darro.
Warraka la helayo ayaa intaa ku daraya in Hubkan ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland oo qabtay sidoo kalena ay jiran dad lagu soo qabtay, basle aan weli Warbaahinta loo soo bandhigin.
Ciidamada amaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay Mararka Dagaalo la galaan Xubno ka Tirsan Dagaalameyaashaa Al-Shabaab iyo Daacish oo marrka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya degaannada Maamulkaas, iyadoo dhawaan Maxkamadda Ciidamada Puntland ay xukuno dil ah ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka howlgalayay Magaalada Gaalkacyo iyo deegaaanada kale ee gobolka Mudug sida ay Maxkamadu sheegtay.