DHAGEYSO:Xildhibaannadda Likoni oo dhaliil u jeedisay laamaha ammaanka

0
345

Xildhibaannadda deegaan baarlamaneedka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Juma Mboko ayaa saraakiisha ammaanka ku eedeysay in ay ka gaabiyeen la tacaalidda xadgudubka ka dhanka ah xuquuqul aadanaha.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay kordheen falalka tacaddiga jinsiyadeed iyo dilalka loo gaysto haweenka iyo gabdhaha.
Waxay sheegtay in kastoo madaxweynaha dalka William Ruto uu laamaha ammaanka ku amray in ay dhacdooyinkan wax ka qabtaan haddana gaabadka jira ee dhanka falcelinta uu walaac ku beeraya.

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka Likoni Mathew Wambugu ayaa dhankiisa waalidiinta ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen waajibaadka ka saaran la socodka dhaqdhaqaaqa iyo anshaxa carruurtooda.