Madaxweynaha dalka oo ka digay wararka faaliska ah

0
104

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay ka fogaadaan faafinta waxyaabaha aan xaqiiqada ku saleysnayn ee lagu marin habaabiyo shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wararka faaliska ah looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo horumarka sidoo kalena wax loogu dhimo dimuqraadiyadda.
Ruto ayaa xusay in haddii aan dhaqanka noocani ah laga fiirsan , iyadoo dano siyaasadeed la fulinaya in khatar la gelin karo xasilloonida waddanka.
Waxaa uu tilmaamay in siyaabaha looga soo horjeesto dowladda ay inta badan ku saleysan yihiin adeegsiga macluumaad aan xaqiiqada jirta ka turjumin.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in ay xaqiiqo tahay in qiimihii sicir bararka uu hoos u dhacay taasina aan la dafiri karin.