Dowladda federaalka: Al-Shabaab ayaa gacan weyn ku lahaa weerarka Raaskambooni

0
330

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay maamulka Jubbaland inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab, ka dib jabkii ciidamada dowladda ka soo gaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Raaskambooni oo ay ciidamada Jubbaland kula dagaalameen.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in gaadiid dagaal iyo ciidamo Jubbaland ah ay soo dhexmareen deegaanno ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, ka hor inta aysan weerarka fulin.
Wasiir Alcaddaala ayaa tilmaamay in xogaha dowladda ay hayso ay muujinayaan in Al-Shabaab ay si toos ah ugu gacan siisay Jubbaland howlgalkaas, taas oo uu ku sheegay inay muujinayso wada shaqaynta ka dhexeysa maamulka Jubbaland iyo kooxda Alshabaab.
“Waxaa jira xogo cad oo tilmaamaya in kooxda Al-Shabaab ay door weyn ka qaadatay weerarkii lagu soo qaaday ciidamada dowladda., tani waxay tusaale u tahay xiriirka dhow ee ka dhexeya Axmad Madoobe iyo kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri Alcaddaala.
Waxaa uu sheegay in golaha xukuumadda ay magacaabeen guddi heer qaran ah oo baaritaan qoto dheer ku sameynaya dhacdadii Raaskambooni, si loo caddeeyo xiriirka ka dhaxeeya Jubbaland iyo Al-Shabaab.
“Guddiga wuxuu si dhameystiran u baarayaa arrintaas, wuxuuna warbixin rasmi ah ugu soo gudbin doonaa xukuumadda,” ayuu raaciyay hadalkiisa wasiir Alcaddaala.
Dhanka kale, maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin eedeymaha culus ee uga yimid dowladda federaalka, iyadoo ay suuragal tahay in saacadaha soo socda ay Jubbaland war ka soo saarto eedeymahan.