Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu hakinayo dhaqangalka in 34 ka mid ah waaxyaha dowladda ay adeegyadooda ugu wareejinayaan barta casriga ee E-Citizen.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Bahati Mwamuye, ka dib markii dacwad arrinkan ka dhan ah ay maxkamadda u gudbisay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Kituo cha Sheria.
Hay’adda ayaa ku doodday in amarka madaxweyne Ruto uu yahay mid sharci darro ah, maadaama dadweynaha aan laga qayb gelin.
Kituo cha Sheria ayaa doonaysa in maxkamadda ay meesha soo saarto amarka madaxweynaha.
Garsoore Mwamuye ayaa faray in waaxyaha dowladda oo ay ka midka yihiin shirkadda bixisa adeegga korontada ee Kenya Power, maamulka qaabilsan maareynta adeegyada batroolka iyo tamarta ee dalka ee EPRA iyo maamulka dekadaha waddanka inaysan u hoggaansamin amarkii ka soo baxay madaxweynaha waddanka William Ruto ilaa 30-ka bisha Koowaad ee sanadka soo socda ee 2025-ka, markaas oo kiiskan la soo hadal qaadi doona.
Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu 34 ka mid ah madaxda sare ee waaxyaha kala duwan ee dowladda ku eedeeyay inay ku guuldareysteen u hoggaansanka awaamiirta la xiriirta in dhammaan adeegyadooda ku bixiyaan hannaanka casriga ee E-citizen, si kor loogu qaado hufnaanta.
Waxaa uu xilligaasi muddo toddobaad gudihiisa u qabtay inay u hoggaansamaan awaamiirtan haddii kale ay u furan tahay keliya in ay is casilaan