Dowladda Soomaaliya oo Axmad Madoobe ku eedeysay inuu xiriir la sameeyay Al-Shabaab

0
324

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa war ka soo saartay dagaal maanta ka qarxay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamo uu soo diray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ay saaka weerar ku soo qaadeen farriisimaha ciidamada dowladda, kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Jubbaland ay soo weerareen farriisin ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin gobalka Jubbada Hoose.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in ciidamada la soo weerarray ay ahaayeen ciidan halkaasi loo geeyay in ay la wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen ciidamada howlgalka midowga Afirka ee ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku eedeysay Axmed Madoobe inuu xiriir la sameeyay Al-Shabaab, kadibna ay sidaas ku soo dhexmareen ciidamada weerarka soo qaaday.
Waxaa kale sidoo kale warbixinta wasaaradda difaaca Soomaaliya lagu yiri in arrintan ay ka dhalan doonto ciqaab adag oo sharci ah, islamarkaana Axmad Madoobe lagula xisaabtami doono.