DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in la dhameystiri doono dhisidda fasallada dugsiyada

0
155

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa xaqiijiyay in la dhameystiri doono dhisidda fasallada loogu talagalay in ay adeegsadaan ardayda fasalka Sagalaad ee Grade 9.
Waxaa uu meesha ka saaray walaaca ay waalidiinta iyo daneeyayaasha tacliinta ay ka muujinayaan in howshan aan lagu guulaysan karin ka hor furitaanka dugsiyada ee bisha 1-aad ee sanadka soo socdo.
Wasiirka ayaa xusay in miisaaniyad dhan 11 bilyan oo shilin loo qoondeeyay dhisidda fasallada.
Waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in maamullada dugsiyada ay xilliga habboon heli doonaan lacagaha ay dowladda dhexe ugu talagashay in lagu maareeyo howlaha xarumaha waxbarashada.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa dhankiisa ku baaqay in lacagta ay dowladdu bixisay loo isticmaalo mashruuca loogu talagalay ee fasallada .