Taliye ku xigeenka guud ee booliiska oo kormeer amni ka sameeyay Wajeer iyo Mandera

0
162

Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Gilbert Masengeli iyo agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin ayaa kormeer dhanka amniga ah ka sameeyay ismaamullada Wajeer iyo Mandera.
Waxay tageen goobta uu shalay ka dhacay weerarka ee deegaanka Lafey ee Mandera.
Kooxo dableey ah oo aan weli la aqoonsan ayaa halkaasi ku dilay sarkaal ka tirsanaa adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyadoo uu dhaawacmay qof shacab ah.
Dableyda ayaa sidoo kale la baxsaday baabuurka uu adeegsanayay booliiska la dilay.
Ka dib weerarkaasi ayaa si wayn loo adkeeyay amniga iyadoo halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah.
Waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in la guda galay baaritaanno dhacdadaasi la xiriira.