Guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC , David Oginde ayaa shacabka ku boorriyay in aynan ku lug lahaan falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu muwaadin kasta u sheegay inuu ka soo horjeesto khiyaannada dhanka imtixaannada , qaadashada shahaadooyinka waxbarasho ee faaliska ah, in qofka uu laaluush bixiyo si uu shaqo u helo sidoo kalena aan laga iibsan codkiisa si uu hoggaamiye u doorto.
Oginde ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii qof waliba uu sida saxda ah sameeyo lagu guulaysanaya dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC Cabdi Maxamuud ayaa dhankiisa xusay in dhallinyarada ay door wayn ku leeyihiin la tacaalidda wax isdaba marinta iyo lunsashada khayraadka dadweynaha loogu adeego.