Mucaaradka xukunka ka tuuray Bashaar Al-Asad oo cafis u fidiyay askartii la soo shaqeysay maamulkii hore

0
230

Kooxaha hubeysan ee mucaaradka dalka Syria ayaa wado qorsho ay ku soo dhisayaan dowlad cusub.
Xooggaga mucaaradka ee xukunka ka tuuray madaxweynihii dalkaasi Bashaar Al-Asad ayaa sheegay inay cafis u fidinayaan dhammaan askarta milateriga ah ee loo soo shaqeeyay maamulkii hore.
Kooxaha samatabbixinta iyo qaraabada dadka la waayay ayaa ehelladooda ka raadinaya xabsiga caanka ah ee Sednaya ee ku yaalla magaalada Dimishiq ka dib markii ay dhacday dowladdii Al-Asad.
Aqalka dalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay in Bashaar Al-Asad uu magangalyo ka helay waddankaasi.