Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa doonaya in meesha laga saaro dhammaan dacwooyinka yaalla maxkamadda racfaanka ee ka dhanka ah guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha beddelaya mas’uuliyiintii uu hoggaaminayay Wafula Chebukati ee IEBC.
Waxaa uu xusay in xisbiga uu hoggaamiyo ee Wiper uusan qayb ka ahayn dib u dhaca soo dhisidda guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC).
Kalonzo ayaa sheegay inuu jiro amar maxkamadda racfaanka ah yaalla oo ka dhan ah soo dhisidda guddiga soo xullaya saraakiisha sare ee IEBC.
Waxaa uu dowladda ku eedeeyay in ay adeegsatay wakiillo si ay u carqaladeeyaan soo dhisidda guddiga IEBC.
Madaxa xisbiga Wiper oo maanta xaruntiisa SKM shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in dowladda ay si ulakac ah oo siyaasad ku saleysan ay uga gaabisay in la soo magacaabo saraakiisha beddelaya mas’uuliyiintii uu hoggaaminayay Wafula Chebukati ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday.
Waxaa uu dowladda ku eedeyay inay aad uga hooseyso sidii laga filayay.