Madaxa xisbiga Wiper Dr. Stephen Kalonzo Musyoka ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo maamulkiisa ku eedeyay in ay abuurayaan culeys dhanka dastuurka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lagu guul darreystay soo dhisidda guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC).
Kalonzo ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Murang’a sheegay in dowladdu ay si ulakac ah oo siyaasad ku saleysan ay uga gaabisay in la soo magacaabo saraakiisha beddelaya mas’uuliyiintii uu hoggaaminayay Wafula Chebukati ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday.
Waxaa uu xusay in mucaaradka Azimio uu guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha sare ee IEBC u soo xushay Koki Muli.
Waxaa uu dowladda ku dhaliilay in ay dacwad racfaan ah oo ay go’aankan uga soo horjeeddo ay gaysay maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kiambu si geeddisocodka loo carqaladeeyo.