Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ugu baaqay waddamada xubnaha ka ah Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) in ay taageeraan musharraxnimada ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waayo aragnimada ballaaran ee Raila Odinga iyo u heellanaanta fikradaha guud ee qaaradda Afrika ay ka dhigayso inuu yahay musharrax wanaagsan oo qabashada jagadaaasi ku habboon.
Madaxweyne Ruto ayaa hoosta ka xariiqay in hoggaaminta Mr. Odinga ay qaaradda siinayso in lagu guuleysto waxyaabaha mudnaanta leh ee danaha qaaradda.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu qorshuhu yahay in Raila Odinga uu ka qaybgalo doodda 13-ka bishan loo qabanayo musharraxiinta u tartameysa qabashada jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Waxaa dooddaasi Raila kala qaybgeli doona musharraxiinta kala ah, Maxamuud Cali Yuusuf wasiiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti iyo wasiirkii hore arrimaha dibadda ee waddanka Madagascar.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa olole xooggan ugu jiro sidii uu u beddeli lahaa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.
Doorashada kursiga AU ayaa la qaban doonaa bisha Labaad ee sanadka 2025-ka.