Xuseen Maxamad oo loo doortay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee Kenya

0
211

Xuseen Maxamad ayaa loo doortay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Kenya ee FKF-ta, ka dib markii wareeggii labaad ay tanaasuleen musharraxiintii la tartameysay.
Waxaa uu helay codad dhan 67, iyadoo la dhiibtay 90 cod.
Waxaa uu jagan kala wareegaya madaxii xiriirkii kubadda cagta dalka FKF-ta Nick Mwendwa.
Xuseen Maxamad waxaa ku xigeen u noqonaya kabtankii hore ee kooxda kubadda cagta ee Kenya Harambee Stars McDonald Mariga, sidoo kalena u soo ciyaaray naadiga weyn ee Inter Milan ee ka ciyaarta horyaalka talyaaniga ee Serie A.
Xuseen Maxamad oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu ku guuleystay kursigan, ayuu sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo ergadii ka qayb qaadatay cod bixinta.
Waxaa uu ballanqaaday in uu wax ka beddeli doono xiriirka kubadda cagta Kenya ee FKF.