Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu ballaarinaya marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka oo ku eg magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu madaxweynaha sheegay inuu jiro mashruuca khadka tareennada lagu gaarsiinaya dalalka kale ee gobolka.
Madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in marinka casriga ee tareennada la gaarsiinaya waddamada Uganda, Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee (DRC).
Waxaa uu xusay in arrintan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo ganacsiga iyo maalgashiga gobolka.
Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ballaarinta kaabayaasha ay u leedahay isdhexgalka bulshada ee gobolka.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa sheegay in ballaarinta marinka SGR uu fududeyn doono isu socodka xuduudaha, kor u qaadidda isku xirka waddamada ku yaalla Bariga Afrika.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in tallaabadan ay aasaas u noqon karto isdhexgalka guud ahaan qaaradda Afrika iyadoo loo maraya aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ee AfCFTA.
Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay furitaanka cayaaraha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da oo lagu qabanaya magaalada Mombasa.
Marinka casriga ee tareennada ee dalka oo isku xiro Nairobi-Naivasha ilaa Mombasa ayaa waxaa dhisay oo maalgeliyay Shiinaha wuxuuna shaqeynayay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Adeeggan ayaa fududeeyay kala gudbinta badeecooyinka iyo bixinta adeegyada wuxuuna yareeyay qarashaadkii iyo wakhtigii ku bixi jiray safarrada.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in marinka tareennada ee SGR la gaarsiinaya waddamada...