Mudavadi oo dhallinyarada kenyaanka ee shaqooyinka u raadsaday dibadda ku borrriyay inay ilaaliyaan anshaxa

0
345

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa ka codsaday dhallinyarada fursadda u heshay shaqooyinka dibadda inay ilaaliyaan anshaxa iyo magaca wanaagsan ee dalka marka ay ka shaqeynayaan qurbaha.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay magac wanaagsan ku leedahay masraxa caalamiga ah.
Mudavadi ayaa xusay in dhallinyarada kenyaanka ee u shaqo doontay qurbaha looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii ay magacaas wanaagsan u ilaalin lahaayeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in u hoggaansanaanta sharciga ay fure u tahay in la hubiyo in aan lagu dhicin godad aan loo baahnayn.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo sharciyada shisheeye.
Waxaa uu dhallinyarada xasuusiyay in waddada guusha loo maro ay tahay samir iyo dadaal.