DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in lagu guulaysanaya hirgelinta caymiska SHA

0
169

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in lagu guulaysan doono dhaqangelinta caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Xilli uu khudbad ka jeedinayay xafladda qalin jabinta ee machadka lagu barto culuunta caafimaadka ee dalka ee KMTC ayuu Kindiki hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku dadaalaysa xallinta caqabadaha ku gadaaman nidaamkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka madaxweyne William Ruto uu diyaar u yahay inuu dhageysto aragtida shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha caafimaadka ee caymiskan loo sii wanaajiyo.

Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa dhanka kale ardayda bartay culuunta caafimaadka ee qalin jabiyey ku boorriyay in ay dadweynaha ku baraarujiyaan muhiimadda ay leedahay in ay isku diiwaangeliyaan caymiska SHA oo sidoo kale loo yaqaano Taifa Care.