Madaxweynaha dalka oo sheegay in musuqmaasuq laga ilaalin doono caymiska SHA

0
262

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inta uu xilka haya in uunan musuqmaasuq saameyn doonin caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA .
Arrintan ayuu ka sheegay shirweynaha maalgashiga caalamiga ee lagu qabanaya ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu xusay in ay jiraan warar been abuur ah iyo macluumaad aan sax ahayn oo laga faafinaya barnaamijkan.
Madaxweynaha ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in caqabadihii iyo falalkii wax isdaba marinta ee horay u saameeyay hannaankii la beddelaya ee NHIF aynan jiri doonin inta la adeegsanaya caymiska cusub isagana uu talada qaranka hayo.