Dowladda oo qaadday tallaabooyin lagu adkeynaya amniga dalka

0
387

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in guud ahaan waddanka laga howlgelinaya in ka badan 10,000 oo ciidamada ammaanka ah.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sugaya nabadgalyada qaranka xilliga dabbaal degga Christmas.
Xoghayaha arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in la sameeyay talis dhexe oo heer qaran ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in taliska dhexe ee NMACC loo adeegsan doono isku dubaridka howlgallada amniga guud ahaan Kenya.
Waxaa uu xusay in xaruntan laga sameeyay xerada Lang’ata Barracks ee ismaamulka Nairobi.
Ciidamada la howlgeliyay ayaa isugu jiro militari , booliis , saraakiisha waaxda asluubta , kuwa adeegga duurjoogta ee KWS iyo ciidamada adeegga kaymaha ee KFS.
Dr. Omollo ayaa intaasi ku daray in kormeer sare laga sameyn doono magaalooyinka waawayn, goobaha cibaadada iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Dowladda oo dib ugu yeertay saraakiisha ammanka ee fasaxa ku maqan ayaa dhanka kale shacabka ku boorrisay in ay taxaddar muujiyaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada shakiga leh.