Dowladaha ismaamullada ee waddanka ayaa heli doona lacag dhan 387 bilyan oo shilin, ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku saxiixay hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga ee dowlad deegaannada.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiyo matalaya baarlamaanka iyo aqalka sare oo ay hoggaaminayaan xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro iyo senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ay ku heshiiyeen in sanad maaliyadeedkan dowlad deegaannada la siiyo lacag dhan 387 bilyan oo shilin.
Baarlamaanka dalka ayaa horay u ansixiyay hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga wuxuuna meel mariyay in ismaamullada lagu wareejiyo 380 bilyan oo shilin sidii ay ku talisay wasaaradda maaliyadda ka dib markii meesha laga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan.
Sharciyada labaad iyo saddexaad ee uu madaxweynaha maanta qalinka ku duugay ayaa kala ah, xeerarka qiimaynta 2022-kii iyo sharciga wax ka beddelka biyaha.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo saxiixay xeerka ismaamullada lagu siinayo 387 bilyan oo shilin