DHAGEYSO:Vihiga: 2 qof oo dhintay halka 58 isbitaal la dhigay ka dib markii ay cuneen raashin sumeysan

0
388

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhinteen ismaamulka Vihiga halka ilaa 58 kalena isbitaalka la dhigay si loo daaweeyo.
Dadkan ayaa la sheegay inay cuneen raashin sumeysan.
58-da qof ee xaaladooda caafimaad lala tacaalaya ayaa la geeyay isbitaalka deegaanka Emuhaya ee ismaamulka Vihiga.
Warbixinta xarunta caafimaad ee Emuhaya ayaa muujinaysa in shakhsiyaadka ay la soo darseen dhibaatooyin dhanka caloosha, matag , shuban iyo calool xanuun.
Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Vihiga Dr.Benjamin Onduso ayaa sheegay in dadka waxyeellada soo gaartay ay ka qayb galeen xaflad lacag aruurin oo ka dhacday kaniisad ku taalla ismaamulkaasi islamarkaana ay cuneen raashin sumeysan.
Qaar ka mid ah dadkii ay arrintan sameysay ayaa warbaahinta u warramay.