Golaha kaniisadaha dalka oo dowladda ku eedeyay inay ka run sheegin ballanqaadyadeeda

0
322

Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin kaniisadaha waddanka ee (NCCK) ayaa ku boorriyay Kenyaanka inay qaadaan tillaabooyin ay kula xisaabtamayaan madaxdii ay soo doorteen.
NCCK ayaa siyaasiyiinta xilalka haya iyo madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeysay inaynan ku run sheegin ballanqaadyada ay sameeyaan.
Xoghayaha Guud ee golaha kaniisadaha waddanka Rev. Canon Chris Kinyanjui oo akhriyay bayaan ay NCCK soo saartay ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda dalka.
Golaha NCCK ayaa xaaladda waddanka ee haatan la barbardhigay bukaanno ku jira qaybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da.
NCCK ayaa xustay in caqabadaha ay maanta wajahayaaan Kenyaanka ay tahay in dowladda aysan oofin ballanqaadyada ay sameyso.
Golaha qaran ee kaniisadaha ee NCCK ayaa sidoo kale rajo xumo ka muujiyay waxqabadka xildhibaanada baarlamaanka dalka, iyagoo ku eedeyay inay khiyaameeyeen dadkii soo doortay.
Waxay shacabka ugu baaqeen inaysan rumeysan ballanqaadyada ay sameeyaan madaxda siyaasiyiinta ee xilalka haya.