Raila Odinga oo ka qayb geli doono doodda musharraxiinta jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika

0
310

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa ka qayb gali doona doodda la qorsheeyay in toddobaadka dambe loo qabto musharraxiinta u tartameysa qabashada jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Dooddaasi ayaa laga daawan doona taleefishinnada.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in Raila uu dooddaasi ku soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan qaaradda Afrika.
Mudavadi ayaa xusay in Raila Odinga uu muujiyey aqoonta uu u leeyahay maamulka iyo hoggaanka dibloomaasiyadeed ee gobolka iyo si guud caalamka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa horraan sheegay hiigsigiisa uu yahay in dalalka Afrika ay wada ganacsadaan xaddidaad la’aan.
Waxaa kursiga AU Raila Odinga kula loolamaya ilaa saddex musharrax oo kala ah, Maxamuud Cali Yuusuf wasiiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, wasiirradii hore arrimaha dibadda ee waddamada Madagascar iyo Mauritius ee Richard Randriamandrato iyo Anil Gayan.
Doorashada kursiga AU ayaa la qaban doonaa bisha Labaad ee sanadka 2025-ka.
Haddii uu Raila jagadan ku guulaysto waxaa uu beddeli doonaa Moussa Faki Mahamat oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Chad.