Dowladda dhexe ee dalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 30,000 oo Kenyaan ah ay ku nool yihiin kana shaqeeyaan waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in qurbajoogta Kenyaanka ee Imaaraadka ay sii kordhayaan.
Waxaa uu xusay in arrintan ay ku timid is-afgaradkii ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2018-kii.
Mudavadi ayaa intaasi ku daray in kenyaanka qurbajoogta ah ay door muhiim ah ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha ee waddanka.
Waxaa uu xaqiijiyey sida ay Kenya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeya dalka Imaaraadka.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ayaa sheegay in xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal uu saldhig u yahay iskaashi xooggan oo ganacsi iyo maalgashi.
Imaaraatka Carabta, ayuu sheegay in uu kaalinta lixaad kaga jiro dalalka ay Kenya ganacsi la wadaagto, taasina ay daliil u tahay xiriirka ganacsi ee sii kordhaya ee u dhexeeya labada waddan.
Waxaa uu xusay in qiimaha ganacsiga labada dal ee Kenya iyo Imaaraadka uu kor u kacay 142.5 bilyan oo shilin.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 53-aad ee maalinta qaranimada Imaaraadka Carabta oo lagu qabtay magaalada Nairobi.