Wabiga Shabeelle ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu Fatahaado xooggan ka Sameeyay Gobolka Shabeellada dhexe kuwaasoo Go’doon galiyey magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle, sida ay Xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan Maamulka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Jowhar.
Wasiirka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Mahad Cabdullaahi Qoorgaab, ayaa sheegay in Magaalada jowhar ay ku sugantahay xaalad adag kadib fatahaada Wabiga oo jartay dhamaan wadooyinkii soo galayey Magaaladaasi.
Wasiirka oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa sidoo kale tilmaamay in in kabada 40 kun oo Qoys ay ku barakaceen fatahaada Wabiga Shaabeelle, walina dhibaatadu ay tahay mid taagan,Magaaladuna ay hadda ku sugan tahay xaaladda biyo Baxo ah oo Xooggan.
Dhawaan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in xaalad dag ay kajirto Magaalada Jowhar, isla markaana loo baahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado Bulshada ku nool Magaaladaas.
Inta badan wadooyinka soo gala iy kuwa ka baxa Magaalada Jowhar ayaa waxaa hada fadhiya Biyo farabadan, waxaana maalmihii la soo dhaafay Magaalada Jowhar aan gelin wax Gaadiid ah kana soo bixin, iyadoo maciishada noocyadeeda kala duwan ay aad u qaaliyoowday sida ay wararku sheegayaan.
Sanadkasta ugu yaraan Labo Mar ayuu Wabiga Shabeelle wuxuu fatahaado Culus Ka Sameeyaa Magaalooyin badan oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe waxaana ka dhalata Saamayn Nololeed oo aad u baahsan ayadoo fatahaadu ay baabi’so dallagyada Beeraha sidoo kalena waxaa barakaca kumanaan ka mid ah Qoysaska ku nool Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.