Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay bixiyaan qarashaadka adeegga korontada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda sare ay ku dadaalaysa sidii sanad gudihiisa korontada loo gaarsiin lahaa ilaa 9,000 oo qoysas ah.
Shalay ayay ahayd markii uu ismaamulka Taita Taveta ka daahfuray mashruuc korontada lagu gaarsiinaya ilaa 800 oo qoysas ah.
Waxaa uu xusay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in la wanaajiyo nolosha kenyaanka iyadoo sare loo qaadaya wax soo saarkooda dhaqaale.