Saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ee deegaanka Embakasi ayaa baaraya dil laga soo tabiyay aagga Mukuru Kwa Njenga ee Ismaamulka Nairobi .
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii nin aan weli la aqoonsan uu u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray.
Ciidamada baaritaannada sameynaya ayaa qabo tuhun ah in ninkan la toorriyeeyay.
Sida laga soo xigtay warbixinta saldhigga booliiska ee Villa, kalkaaliyaasha isbitaalka Mukuru ayaa sheegay in meydka qofkaasi halkaasi la geeyay 1-dii habeennimo ee xalay.
Shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalkaasi ayaa baaritaan ku sameeyay ninka waxayna ku ogaadeen in toorri looga dhuftay jirkiisa dhanka bidix.
Saraakiisha amniga ayaa ka codsaday shacabka in la soo gudbiyo wixii macluumaad ah oo lagu aqoonsan karo qofka dhintay iyo xogaha fududeyn karo in la soo xiro ciddi dilkiisa ka dambeysay.