Gachagua oo sheegay inuu ka qoomamoonaya kalsoonidii uu u muujiyay Ruto

0
178

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in arrinta keliya ee uu ka shallaynaya ay tahay inuu kalsooni u muujiyay madaxweynaha waddanka William Ruto xilligii ay u tartamayeen in ay soo dhisaan maamul dowladeed.
Waxaa uu sheegay inuu cashar ka bartay inuusan marnaba ka shakin madaxweynaha .
Wareysi gaar ah oo uu dhawaan siiyay telefishinka maxalliga ee NTV ayuu Gachagua ku xusay in wixii hadda ka dambeeya uu madaxweynaha ula macaamili doono siyaasi ahaan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in madaxda kale sida Musalia Mudavadi , Moses Wetangula, Amason Kingi iyo Alfred Mutua in ay heshiis siyaasadeed la saxiixdeen madaxweynaha balse uunan isaga sidaasi sameyn.