Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC gaar ahaan caymiska caafimaadka bulshada ee Taifa Care ay tahay in la helo sinnaan dhanka daryeelka ah.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kajiado sheegay in dowladdu ay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinaya in barnaamijkan lagu guulaysto sida dejinta xeerarka lagama maarmaanka ah.
Waxaa uu kenyaanka ka codsaday in ay isku diiwaangeliyaan caymiskan isagoo carrabka ku adkeeyay in lagu dadaalaya sidii dhammaan rayidka ay ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh iyadoo aan la eegayn awooda dhaqaale ee qofka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in caymiska caafimaadka uu horseedaya sinnaan dhanka daryeelka...