Militariga Syria oo si ku meel gaar ah uga baxaya Aleppo

0
390

Ciidamada qalabka sida ee dalka Syria ayaa shaaciyay in ay si ku meel gaar ah uga baxayaan magaalada Aleppo ee ku taalla Waqooyiga Galbeed ee waddankaasi.
Militariga ayaa sheegay in dhowr ka mid ah saraakiisha lagu dilay ama lagu dhaawacay iskudhacyo kala dhexeeyay kooxo hubeysan oo lagu tilmaamay argagixiso.
Dagaalladan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Aleppo iyo Idlib.
Militariga Syria ayaa xusay in hadda uu dib u abaabulaya ciidamadiisa , uu dib u howlgelinaya si loo xoojiyo dhinacyada difaaca maadaama ay isku diyaarinayaan falcelin.