Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in muddo toddobaad gudaheeda ah la diiwaangeliyay kiisaska furuq-daanyeerka Mpox oo gaaraya 5.
Waxaa xaaladahan laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nakuru (2), Mombasa (2), iyo Kiambu (1).
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha Mpox ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay Kenya ka dhigaysa 23.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hadda lala tacaalaya xaaladda caafimaad ee 4 bukaan iyadoo 16 kalena ay bogsadeen.
Waxaa meelaha kala duwan ee waddanka laga soo galo lagu baaray socoto ama dad safraya oo dhan 2 milyan, 23kun, 819 ruux.
Labo ka mid ah kiisaska ugu dambeeyay ee furuq-daanyeerka Mpox ee la diiwaangeliyay ayaa laga helay carruur ay da’doodu ka hooseysa 5 sano.
Wasaaradda ayaa shacabka ku boorrisay in ay taxaddar muujiyaan oo ay raacaan talooyinka saraakiisha caafimaadka ee lagu hubinaya badqabkooda si aan caabuqa loo qaadsiin.