DHAGEYSO:Eugene Wamalwa oo cambaareeyay shaqaaqadii ka dhacday Limuru

0
398

Madaxa xisbiga DAP-K kana mid ah mas’uuliyiinta mucaaradka ee dalka Eugene Wamalwa ayaa cambaareeyay shaqaaqadii dhawaan laga soo tabiyay goob uu madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua uga qayb galayay munaasabad aas ah deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa uu dhacdadaasi ku eedeyay inay dowladda dhexe soo abaabushay.
Wamalwa ayaa sidoo kale cambaareeyay kiisaska sii kordhaya ee afduubka.
Waxaa uu dowladda ugu baaqay inay joojisa xarigyada sharci darrada ah.