Dowladda dhexe ayaa ballan qaadday inay dammaanad qaadayso badqabka suxufiyiinta marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa xaqiijiyay in badqabka suxufiyiinta uu yahay mid muhiim ah.
Waxaa uu caddeeyay in dowladda ay tixgeliso xorriyadda saxaafadda.
Kindiki ayaa xusay in dastuurka waddanka lagu maamulo uu dammaanad qaadaya xorriyaddda warbaahinta.
Hoggaamiyaha labaad ee waddanka ayaa hadalkan ka sheegay shirweynaha ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee lagu qabtay magaalada Nakuru.
Waxaa uu soo hadal qaaday xadgudubyo horraan la soo tabiyay oo lagula kacay wariyaal.
Kindiki ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay dhacdadii lagu dhaawacay Wanjeri Kariuki, oo ka howlgasho telefishinka Kameme TV, intii ay socdeen mudaaharaadyadii ka dhan ahaa dowladda.
Waxaa uu sheegay in dhacdadaasi uu maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA uu baaritaano ku haya.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ku baaqay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeya dowladda iyo warbaahinta.