Gachagua oo cambaareeyay shaqaaqadii shalay ka dhacday Limuru

0
267

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa cambaareeyay shaqaaqadii shalay laga soo tabiyay goob uu uga qayb galayay munaasabad aas ah deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu.
Qoraal uu soo dhigay barta rasmiga ee X ayuu Gachagua dowladda ku eedeyay in ay ilaaladiisi kala laabatay si falkaasi oo kale uu u dhaco .
Waxaa halkaasi lagu aasayay Erastus Nduati balse iyadoo ay munaasabaddu socoto ayaa waxaa rabshad kiciyay dhallinyaro sida uu Gachagua hoosta ka xarriiqay ku hubeysnaa dhagaxaan , baangado, ulo iyo waxyaabo kale.
Taasi ayaa sababtay in dadkii aaska ka qayb galayay ay naftooda u baxsadaan in kastoo meydka si degdeg ah lagu aasay.
Gachagua ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay jiraan baabuur la burburiyay.
Waxaa uu xusay in aan marnaba la cabsi gelin karin oo uu garab istaag u muujinaya kenyaanka xilliga ay taageero uga baahan yihiin.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa tilmaamay inuu rajeynaya in dhacdadaasi foosha xun oo kale aynan mar kale dhicin.