Baarlamaanka oo ansixiyey magacaabidda ku xigeenka labaad ee madaxa bangiga dhexe

0
341

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyey in Gerald Nyaoma Arita uu noqdo ku xigeenka labaad ee madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK .
Waxaa turxaan bixiyay guddiga isku dhafka ah ee arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta qaran ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Mr Nyaoma ayaa qiimaha guud ee hantidiisa ku sheegay 169 milyan oo shilin.
Waxaa uu doorar kala duwan oo sare ka soo qabatay bangiga dhexe ee CBK, sida agaasimaha horumarinta suuqyada maaliyadda, iyo ku simaha agaasimaha hantidhawrka gudaha.
Gerald Nyaoma ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii magaciisa la ansixiyo uu xaqiijin doono in bangiga dhexe ee dalka ee CBK uu ku shaqeeyo qaab daahfuran oo aynan jirin waxyaabaha dhanka maaliyadda ah oo shacabka ka qarsoon.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu qaadi doono tallaabooyin lagu wanaajinaya dhaqaalaha dalka.
Aqalka sare ee ayaa sidoo kale la filaya in 29-ka bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka ka dooda magaciibista mas’uulkan.